Golaha qaran ee warbaahinta dalka ee MCK ayaa tixgelisay in xirfadlayaasha warbaahinta ay xilliyada shaqadooda ku jiraan ay adeegsan karaan taleefoonnadooda gacanta ee casriga ah.
MCK ayaa xustay in warbaahinta dalka ay ku tallaabsatay horumar dhanka tignoolajiyadda, islamarkaana ay sababtu tahay helitaanka tignoolajiyad dhijitaal ah.
Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in taleefoonnada gacanta hadda kaliya aan loo isticmaalin in sawir ama muuqaal lagu qaado, sidoo kalena codadka lagu duubo karo.
MCK ayaa shacabka iyo saraakiisha ammaanka ugu baaqday in suxufiyiinta loo oggolaado inay wararka ama dareenka dadweynaha ay ku qabsadaan taleefannada gacanta xilliyada ay u baahdaan.
Dhanka kale, golaha MCK ayaa kula taliyay saxafiyiinta inay tixgeliyaan xeerka golahan ee la ansaxiyay sanadkii 2013-kii, marka ay timaado isticmaalka taleefoonnada ee xilliyada wararka.
Qodobka 8 ee xeerka anshaxa saxaafadda dalka ayaa dhigaya adeegsiga qalabka tignoolajiyadda kaas oo mamnuucaya isticmaalka kameeradaha qarsoon ilaa haddii aysan jirin hab kale oo lagu helo wararka.
Tiro saxafiyiin ah ayaa soo sheegay dhacdooyin taleefoonnadooda gacanta ay laamaha ammaanka ka qaateen xilli ay soo tabinayeen munaasabadaha dadweynaha iyagoo adeegsanayay taleefoonnada gacanta.
Public Notice: Journalists should be allowed use of mobile/ smart phones as professional journalistic equipment to gather news.
MORE:https://t.co/YjAYjSgJKy pic.twitter.com/eyhIg6SqpK
— Media Council of Kenya (@MediaCouncilK) November 28, 2022