Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda caafimaadka ee Garissa oo soo saartay digniin la xiriirta daacuunka

Waaxda caafimaadka ee Garissa oo soo saartay digniin la xiriirta daacuunka

Waaxda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa heegan sare gelisay howlwadeenadeeda ka dib markii kiisaska cudurka daacuunka laga soo tabiyay xerada qaxootiga ee Xagardheer iyo degmada Madogo oo ka tirsan ismaamulka Tana River.
Ilaa iyo hadda waxaa la soo tabiyay xaaladaha daacuunka oo gaaraya 372.
Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa barteeda rasmiga ee Facebook-ga ku sheegtay inay cudurka u dhinteen ugu yaraan saddex qof.
Wasiirka caafimaadka ee Garissa Axmadnathiir Cumar ayaa sheegay inay sare u qaadeen kormeerka gudaha ismaamulkaasi iyo deegaannada u dhow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ay xoojisay dadaallada lagula soconaya xaaladaha caafimaad si loo xakameeyo faafidda daacuunka.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Garissa Boaz Cherutich ayaa sheegay in la qaadaya tallaabooyin lagu xoojinaya nadaafadda sida gacmo dhaqashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments