Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gachagua oo sheegay in macallimiinta ay xor u ahaan doonaan meelaha ay...

Gachagua oo sheegay in macallimiinta ay xor u ahaan doonaan meelaha ay ka shaqeynayaan

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in la soo afjari doono nidaamka ah in macallimiinta la geeyo deegaano aynan dhalasho ahaan ka soo jeedin si ay wax uga dhigaan oo loo xoojiyo isdhexgalka bulshada.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu oofin doonin ballanqaadkiisi ahaa in macallinka fursad loo siiyo inuu ka howlgalo deegaanka uu doonaya iyadoo aan la qasbin.
Tani ayuu xusay inay qayb ka tahay isbeddello lagu sameyn doono hannaanka tacliinta dalka ee la filayo inuu warbixintiisa ku soo jeediyo guddiga uu madaxweynaha wadanka u xil saaray dib u eegista manhajka CBC.
Arrintan ayuu Gachagua ka hadlay xilli uu maanta tagay dugsiga hoose dhexe ee Komarock ee ismaamulka Nairobi isagoo ardayda sameynaya imtixaannada ku boorriyay inay dadaalaan inta ay awoodaan.
Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay dhammaan macallimiinta dalka ee ardayda ka caawiyay inay sanado ka dib u diyaari garoobaan sameynta imtixaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments