Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya SAWIRRO:Ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab oo la soo bandhigay

SAWIRRO:Ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab oo la soo bandhigay

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmad Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa gaaray Deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo ka mid ah deegaannada laga saaray Al-Shabaab.
Waxaa ay socdaal ku soo mareen waddooyinka soo gala Deegaanka iyo kuwa ka baxa, waxaana Shacabka Deegaanka ay u muujiyeen soo dhaweyn iyo sida ugu faraxsan yihiin in mas’uulyiinta soo gaaraan Deegaankan Biya-Cadde
Mas’uulyiinta ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay Ciidamada dib u xoreynta Deegaanka ee Macaawiisley oo u diyaarsan inay iska difaacaan weerarrada Al-Shabaab, deegaana badana ka saaraan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Deegaankan Al-Shabaab dib u dhigeen balse hadda ay iska xoreeyeen, islamarkaana laga hirgelin doono adeegyada Aas-Aasiga ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments