Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin ka soo baxeysa weerarka Al-Shabaab ee weli ka socda huteelka Villa...

Faahfaahin ka soo baxeysa weerarka Al-Shabaab ee weli ka socda huteelka Villa Rose ee Muqdisho

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa huteelka aadka loo ilaaliyo ee Villa Rose ee ku yaalla xayndaabka qasriga madaxtooyada ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo xalay 8-dii fiidnimo iyo daqiiqado ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen weerar culus.
Dadka ku sugan aaggaasi ayaa ku warramaya in tan iyo xalay ay maqlayeen qaraxyo iyo rasaas la isku waydaarsanayo huteelka gudihiisa, goobtaas oo ay tagaan saraakiisha dowladda.
Waxaa la sheegay in qarax lagu billaabay weerarkaasi, ka dibna rag hubeysan inta ay u gudbeen huteelka ay halkaasi ka dagaallamayaan.
Ciidammada ammaanka ayaa wada howlgal ay ku doonayaan inay ku soo afjaraan duullaanka iyo dagaalka ka socda huteelka dhexdiisa, halkaas oo la rumaysan yahay in weli qaar ka mid ah raggii duullaanka soo qaaday ay ka dhex dagaallamayaan.
Ilaa iyo haatan saraakiisha ammaanka faafaahin dheeraad ah kama aynan bixin waxa huteelka wakhtigan ka soconaya.
Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aadan Doodishe, ayaa isla xalay sheegay in ciidamada ammaanka ay howgal ka wadaan huteelkaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jira shacab iyo mas’uulyiin.
Wasiirru dowladaha arrimaha deegaanka ee Soomaaliya, Aadan Aw Xirsi, ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin uu ku sheegayo inuu ka badbaaday weerarka halkaasi ka socda.

 

Ururka Al-Shabaab oo bayaan soo saaray goor dhaweyd ayaa shaaciyay in iyagu ay ka dambeeyaan weerarka huteel Villa Rose, islamarkaana ay ciidamadoodu halkaas howlgal ka wadaan.
Waxaa la sheegayaa inay jiraan dad waxyeello ay ka soo gaartay weerarkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba leh, kuwaas oo ay dadku iskula wadaagayaan baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, illaa iyo haatanse lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu ka tagay weerarkaasi.
Huteelka Villa Rose, waxa uu ku yaalla xayndaabka sida wayn loo ilaaliyo ee ay ku taalla xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka caaggan yihiin inay galaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa ay wataan dadka shacabka ah.
Sidaas oo ay tahay, waxaa muuqata in ragga weerarka soo qaaday ay ka gudbeen baro koontorool oo badan oo aad loo ilaaliyo, ka dibna ay huteelka weerar ku qaadeen.
Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ugu suuragashay inay u gudbaan halkaas oo ay weerarka intaasi la eg ka gaystaan.
Huteelkan aadka loo ilaaliyo ayaa waxaa la sheegayaa inay si joogto ah u tagaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, siyaasiyiin iyo xitaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments