Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin : Haddii aan sharciga jinsiga la meelmeerin Muqdisho waan...

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin : Haddii aan sharciga jinsiga la meelmeerin Muqdisho waan ka tagaya

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dalka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Salaad Samatar ayaa jeedisay hadal buuq badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa munaasabad lagu daahfurayay wacyigalinta shaqaaqooyinka dumarka, waxay ka sheegtay inay Muqdisho ka tageyso haddii uusan baarlamaanka meel marin sharciga buuqa badan ka taagan yahay ee jinsiga.
Sacdiyo Salaad waxay ku doodaysaa in sharcigan uu difaacayo xuquuqda jinsiga, gaar ahaan waxay sheegtay inuu wax ka qabanayo kufsiga gabadhaha oo ay sheegtay inuu noqday dambi aan la isula xisaabtamin.
Waxaa ay xustay s in dibbada looga hanjabay sababta ay u taageersan tahay oo ugu ololaynayso sharcigan, iyadoo sheegtay in lagu eedeynayo inay fikir gaalo wado.
“Haddii aayadda qur’aanka ah la igu ilaalinayn, maxaad u diidaysaan in gaalada loo dhawaado? waana loo dhowaanayaa waana lawada gooloobayaa,” ayay tiri.
Sharciga jinsiga oo ah mid dood weyn dhaliyay ayaa waxaa diiday in la meelmariyo baarlamankii hore ee Soomaaliya, sanadkii 2020-kii, iyagoo u arkayay inuu yahay mid meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments