Dadweynaha ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Shiinaha sida Shanghai ayaa mudaharaadyo dhigay.
Shacabka ayaa dalbanaya in dowladda ay meesha ka saarto xayiraadaha ka dhanka ah cudurka COVID-19 oo ay ku tilmaameen kuwo si wayn u xaddiday dhaqdhaqaaqooda.
Dibadbaxyada ayaa sidoo kale laga soo tabiyay jaamacadda magaalada bari ee Nanjing iyo caasimadda Shiinaha ee Beijing.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay gudaha dalka Shiinaha laga diiwaangeliyay in ka badan 31,000 oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.