Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa meesha ka saaray dibadbax uu horay u shaaciyay inay sameyn doonaan taageerayaashiisa.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in dadka isaga siyaasad ahaan taabacsan inay socdaal dheer ku maraan gudaha caasimadda dalkaasi ee Islamabad.
Hasa ahaate waxaa uu Khan warfidiyeennada u sheegay inuu ka cabsi qabo inay rabshado dhacaan sidaasi awgeedna aynan ku dhaqaaqi doonin qorshahoodii hore.
Imran Khan ayaa taageerayaashiisa u sheegay in qalalaase dhaco aynan dani ugu jirin Pakistan maadaama wadankaasi uu la daala dhacaya dhaqaale xumo.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in xubnaha xisbigiisa (PTI) ay iska casili doonaan xilalka ay ka hayaan galayaasha dowladda Pakistan.
Tallaabadan ayaa ah mid dowladda dalkaasi loogu cadaadinaya inay qabato doorasho xillgeedi laga soo horumariyay.