Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo doonaysa inay yeelato nukliyeerka ugu awoodda badan

Kuuriyada Waqooyi oo doonaysa inay yeelato nukliyeerka ugu awoodda badan

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay ku yeelan lahaayeen hubka nukliyeerka ee ugu awoodda badan caalamka.
Arrintan ayuu shaaciyay xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu dallacsiinayay saraakiil militari.
Ciidamadan ayaa ka qayb qaatay tallaabo ay dowladda dalkaasi dhawaan ku soo bandhigtay mid ka mid ah gantaallada ugu riddada dheer.
Kim ayaa xusay inay sare u qaadayaan awoodooda nukliyeerka si ay u ilaaliyaan sharafta iyo gobonnimada shacabka Kuuriyada Waqooyi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments