Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo shaaciyay xilliga ay dalkooda dib ugu soo...

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo shaaciyay xilliga ay dalkooda dib ugu soo laabanayaan ciidamo tababar ku maqan

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamad Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.
Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliiska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti, waxaana ay dalka ku soo laaban doonaan toddobaadka soo socda.
Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayadan tababarka soo dhameystay la gayn doona deegaanadda laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab si ay ula wareegaan ammaanka goobahaasi.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa horay loogu soo tababaray Ciidamo farabadan oo ka mid ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Booliska, iyadoona sidoo kalena weli dalkaasi tababaro uga socdaan Cutubyo Ciidan oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments