Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo guulo ka sheegatay dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka...

Dowladda Soomaaliya oo guulo ka sheegatay dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere Buraale

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceeldheere Buraale ciidamada dib u xoreynta deegaanka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.
Dagaallada ka dhacay deegaanka Ceeldheere Buraale oo ku yaalla xuduudda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa qaatay in ka badan 4 saacadood oo xiriir ah, kaas oo billowday ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo deegaankaasi ku leeyihin ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamad Xalane oo la hadlay Idaacadda laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ay iska caabiyeen weerar kaga ymid Shabaab, islamarkaana dagaalka ay ku dileen 20 ka mid ah dagaalamayaashii kooxdaasi ee weerarka soo qaaday.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in degmada Maxaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaa furimaha ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Shabaab in Maanta ay soo bandhigi doonaan meydadka xubnaha ururkaasi looga dilay weerarkii ay shalay ku qaadeen deegaanka Ceeldheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Waa markii labaad oo 24 saac gudahood Al-Shabaab weerar ku qaadaan fariisinka ciidamada isgarabsanaya ay ku leeyihiin deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments