Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo baaq u diray xildhibaannada Kuuriyada Koonfureed

Madaxweynaha dalka oo baaq u diray xildhibaannada Kuuriyada Koonfureed

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xubnaha baarlamaanka wadanka Kuuriyada Koonfureed ugu baaqay inay ansixiyaan xeer lagu xallinaya isku dheelli tirnaan la’aanta dhanka ganacsiga ka dhexeya Kenya iyo wadankaasi.
Ruto oo Kuuriyada Koonfureed ku joogo socdaal saddex cisho ah ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Yoon Suk Yeol, ayaa carrabka ku adkeeyay inay aad muhiim u tahay in la fududeeyo howlaha ganacsiga labo geesoodka ah.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xarunta baarlamaanka caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul xilli uu wada hadal la yeeshay guddoomiyaha golahaasi Kim Jin Pyo.
Waxaa uu ku celceliyay in canshuurta hadda saaran badeecooyinka Kenya ee dalkaasi loo iibgeeyo inay caqabad tahay sidaas awgeedna uu codsanaya in la yareeyo.
William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay doonaysa inay kordhiso badeecooyinka sida caleenta shaaha , afakaadhaha iyo qaxwada ay u dhoofiso Kuuriyada Koonfureed.
Guddoomiyaha baarlamaanka wadankaasi ,Kim Jin Pyo ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu taageeri doono codsiga dowladda Kenya.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa dhigiisa xukuumadda Seoul ,Yoon Suk Yeo, la yeelanaya wada hadallo diiradda lagu saaraya xoojinta xiriirka dibloomaasiyadeed.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha uu kulan la qaatay qurba joogta kenyaanka ah ee dalkaasi ku nool.
Shirkadaha ganacsiga ee Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa wada saxiixday heshiisyo iskaashi ah oo lagu dardargelinaya howlaha ganacsiga iyo maalgashiga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments