Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun ku ridday Askari ka tirsan ciidamada Booliiska Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo horay tooreey ugu dilay Muwaadin kale.
Dable Maxamad Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa lagu soo eedeeyay dembiga dil uu gaystay, kaas oo uu adeegsaday mindi, isagoo ka takhalusay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali taarikhda markii ay ahayd 25-kii bishii Afaraad ee Sanadkan, falkaas oo ka dhacay degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.
War ka soo baxay Hay’adaha Garsoorka ee Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Sababta dilka keentay ay ahayd In eedeysanaha iyo marxuumka ay ku murmeen Jantaha Siigarka lagu shito bishii Ramadaan ee sanadkan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa la wadaagay Maxkamadda Maragyadii goobjoogga u ahaa dhacdadan, Warqadda cadeynta Dhimashada Marxuumka iyo mindidhi uu ku gaystay dilka.
Qareenka u doodaya Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama uu Qiraal yahay.
Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii Bishan ku xukuntay Maxamad Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim Dil toogasha ah, ahna Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamad Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Racfaan.