Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Burcad dhibaateyso shacabka xaafadda Mathare ee Nairobi oo gacanta lagu dhigay

Burcad dhibaateyso shacabka xaafadda Mathare ee Nairobi oo gacanta lagu dhigay

Booliiska magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad dhibaatooyin u gaysta dadweynaha xaafadda isku raranta Mathare ee caasimadda wadanka.
Shakhsiyaadkan la qabtay ayay da’dooda u dhexeysa 20 ilaa 26 sano jir.
Burcaddan ayaa laga soo qabtay goob ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku taalla deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa burcadda gacanta ku soo dhigay saraakiil booliis ah oo roondo sameynayay.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka ee NPS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedeysanayaasha lagu helay 8 baangado ah, 4 toorrey iyo dhagaxaan oo ay shacabka xaafaddaasi ku dhibaateyn jireen.
NPS ayaa tilmaantay inay ka go’an tahay xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida caasimadda Nairobi, oo muddooyinkii dambe ay ku soo badanayeen falal dambiyeedyada la xiriira burcadnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments