Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro oo magaalada Hargaysa Waraysi ku siiyay Warbaahinta Soomaaliland ka Howlgasha ayaa Xukuumadda Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Wuxuu Ku dhaliilay in Saddexdii Sano ee ay Talada Hayeen aysan Wax Muuqda ka qaban Arrimaha Aas-aasiga u ah Nolosha Bulshada.
Baahiyaha uu sheegay inaysan Xukuumaddu Waxba ka qaban ayaa Waxaa ka mid ah Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada iyo dhismooyinka Waddooyinka Muhiimka ah sida uu sheegay.
Gudodomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani oo Wax laga Waydiiyay Saamaynta uu Soomaaliland ku yeelan Karro Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexeeya qaar ka mid ah Wadamada Geeska Afrika ayaa sheegay inay Saamayn ku yeelan karto hadii lagu dhex Milmo.
Waxaa uu ugu dambayntii Soo hadal qaaday Wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Mudada soo socday wax is afgarad Muuqdana aan laga gaarin ayaa soo jeediyay Talooyin Muhiim ah oo uu sheegay inay ka mid yihiin inay dalalku kala go’aan oo ay kala madax banaanaadaan.