Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Turkiga oo howlgallo dhulka ah ka sameyn doono Ciraaq iyo Syria

Turkiga oo howlgallo dhulka ah ka sameyn doono Ciraaq iyo Syria

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay suurtagal tahay in weerarro dhinaca dhulka ah ay ka gaystaan waqooyiga waddamada Ciraaq iyo Syria.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii xukuumadda Ankara ay duqeymo cirka ah ka fulisay halkaasi.
Waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyo la rumeysan yahay inay leedahay koox ka dambeysay weerar dhawaan ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Hasa ahaate dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa arrintan walaac ka muujiyay.
Waxay Turkigu ugu baaqeen inuu is xakameeyo.
Madaxweynaha Turkiga oo ka soo laabtay furitaankii cayaaraha koobka adduunka ee dalka Qatar ayaa warfidiyeenka u sheegay in howlgallada militari ee ay ka fulinayaan waqooyiga Ciraaq iyo Syria aysan ku koobnaan doonin keliya kuwo cirka ah.
Weerarkii ka dhacay waddada Istiklal Avenue ee Istanbul ayaa waxaa ku dhintay 6 qof halka 81 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments