Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wakiil doonaya in xilka laga qaado barasaabka Meru

Wakiil doonaya in xilka laga qaado barasaabka Meru

Wakiil lagu magacaabo Dennis Kiogora sidoo kalena ah madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee golaha hoose ee ismaamulka Meru u qaabilsan dhanka kala dambeynta ayaa dacwad geeyay.
Waxaa uu doonaya in xilka laga qaado barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
Waxaa uu haweeneydan ku eedeynaya inay ku xadgudubtay xeerarka hoggaanka iyo hufnaanta ee dastuurka dalka.
Wakiilka oo laga soo doortay deegaanka hoose ee Abogeta West ayaa Kawira ku eedeynaya habdhaqan xumo iyo ku takriifal awoodeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 68 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Meru ay taageersan yihiin xilka qaadista barasaabka ismaamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments