Milkiilaha guri ku dumay Kiambu oo maxkamad la soo taagaya

0
337

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in dacwad dil ah lagu soo oogi doono milkiilaha dhisme maalmo ka hor ku dumay magaalada Ruaka ee ismaamulka Kiambu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo gabagabeeyay baaritaannada ka dhanka ah 6 eedeysanayaal oo ay ka mid tahay Jennifer Kamau.
Shakhsiyaadkan waxaa ku jiro afar sarkaal oo ka tirsanaa waaxda qorsheynta ee ismaamulka Kiambu.
Saaka ayay tuhmanayaasha ka soo hormuuqan doonaan maxkamadda Kiambu Law Courts.
Sidoo kale waxaa isla saaka maxkamadda Ruiru ee dowlad deegaanka Kiambu la soo taagi doonaa Stephen Ngaruiya milkiilaha guri shalay subax dumay.
Stephen ayaa loo haystaa inuu guriga dhisay isagoo aan haysan ansixin rasmi ah.