Waa kuma wiilka u dhashay dalka Qatar ee soo jiitay mucaashiqiinta kubadda cagta?

0
374

Xafladdii furitaanka koobka adduunka ee dalka Qadar ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee in muddo ah soo mara caalamka.
Munaasabadda waxaa ka soo muuqday halyeyga Hollywood-ka Morgan Freeman oo uu weheliyo 20 jir u dhashay wadanka Qatar oo YouTuber ah oo aan lahayn qaybta hoose ee jirka.
Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ayuu ku daahfuray tartanka caalamiga ah kubadda cagta adduunka.-
Wiilkan oo lagu magacaabo Ghanim Al Muftax waxa uu dhashay 5-tii bishii Shanaad May ee sanadkii 2002-dii.
Ghanim Al Muftax, oo ah ganacsade iyo samafale ayaa iska dhaga tiray dhammaan dhibaatooyinka nolosha si uu dad badan ugu noqdo dhiirigeliye.
Waxaa uu ku dhashay cudurka “Caudal Regression Syndrome”, oo ah xanuun dhif ah oo wax u dhimaya horumarka laf-dhabarta qaybteeda hoose.
Qaar badan ayaa u soo jeediyay hooyadiis inay iska soo tuurto Muftax intii uu caloosha ku jiray, balse waxay go’aansatay inay haysato.
Dhakhaatiirta waxay sheegeen in uunan haysan fursad badan oo uu ku noolaado wax ka badan 15 sano.
Hase ahaate qadarka Alle iyo Muftax oo noqday wiil dhallinyaro ah oo sameeyay dadaal adag ayaa horseeday inuu noqdo ganacsadaha ugu da’da yar dalka Qatar.
Waxaa uu aasaasay shirkad jalaatada sameysa oo la yiraahdo Gharissa Ice Cream.
Wuxuu ciyaaraa isboorti badan inkastoo uu naafo yahay.
Markii uu dhiganayay Iskuulka, Ghanim wuxuu ciyaari jiray kubadda cagta isagoo kabo gacmihiisa ku xiran waxa uuna la tartamay asxaabtiisa caadiga ah ee lugaha ku ciyaara.
Waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee uu sameeyay Ghanim waxaa ka mid ah in uu fuulay Jebel Shams, oo ah buurta ugu sarreysa ee gobolka Khaliijka oo dhan.
Markii uu yaraa waxa uu muujiyay rabitaankiisa ah in uu jaamacadda ka barto cilmiga siyaasadda isaga oo hadafkiisu yahay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha mustaqbalka ee wadanka Qatar.
Hadda waxa uu bartaa siyaasadda, waxaana laga yaabaa inuu mustaqbalka noqdo diblomaasi.
Al Muftax ayaa sanadkan loo doortay mid ka mid ah safiirrada rasmiga ah ee cayaaraha FIFA World Cup.
Warbixin uu soo saaray, isagoo ah arday wax ka dhigta kulliyadda siyaasadda ee jaamacadda Loughborough waxa uu ku yiri, “Aniga oo ku hadlaya jagadeyda danjire ahaan ee Koobka Adduunka, waxaan rabaa in aan diro farriin ah rajo, isku-duubni, nabad iyo midnimo bini’aadminimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here