Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Francis Atwoli oo markii 4-aad loo doortay madaxweyne ku xigeenka ururka shaqaalaha...

Francis Atwoli oo markii 4-aad loo doortay madaxweyne ku xigeenka ururka shaqaalaha adduunka

Xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha dalka ee COTU Francis Atwoli ayaa markii afaraad loo doortay madaxweyne ku xigeenka ururka shaqaalaha caalamiga ah ee ITUC.
Atowli ayaa la doortay intii uu socday shirweynihii shanaad ee ururkan, kaas oo ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Waxaa markii 4-aad in ururka shaqaalaha caalamiga ah uu xubin sare ka noqdo Atwoli u ansaxiyay in ka badan 2000 oo ergo.
Ururka shaqaalaha caalamiga ah ee ITUC ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay midka ugu weyn ee ururrada shaqaalaha adduunka.
Waxaa ururkan xubin ka ah 200 milyan oo ka soo kala soo jeeda 163 waddan.
Ururka shaqaalaha caalamiga ayaa xaruntooda tahay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.
Bayaan uu soo saaray ku xigeenka xoghayaha guud ee dallada COTU Benson Okwaro ayaa sheegay in Atwoli ay ka go’an tahay inuu hubiyo in xuquuqda shaqaalaha adduunka oo dhan la ixtiraamo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments