Waxaa 29 sano iyo lix bilood oo xabsi ah lagu xukumay dhakhtar lagu magacaabo James Mugo Ndichu oo loo yaqaano Mugo wa Wairimu.
Xukunka ayaa yimid ka dib markii lagu helay dambi ah inuu ka shaqeynayay xarun caafimaad oo sharci darro ah iyo inuu faraxumeeyay qof bukaan ah oo uu daroogo siiyay.
Dhakhtarkan ayaa haweeney bukaan ah siiyay daroogo, isagoo ka dib u gaystay gobodfallo ka dhan ah galmo.
Garsooraha sare ee maxkamadda Nairobi Wendy Muchemi ayaa sheegtay in Mugo uu khatar ku yahay bulshada.
Waxaa ay carrabka ku dhufatay in Mugo uu doortay in uu ku takri falo xirfaddiisa dhakhtarnimo.
Wairimu ayaa toddobaadkii hore lagu helay 10 kiis oo lagu soo oogay oo ay ka mid yihiin in uu suuxiyay haweeney bukaan ah, ka dibna uu kufsaday iyo in uu maamulayay isbitaal aan ruqsad ama shati ka haysan dowladda .
Dr.Mugo ayaa markii ugu horreysay maxkamad la soo taagay afar sano ka hor, ka dib markii lagu eedeeyay inuu faraxumeeyay haweeney bukaan ahayd.
Falkan ayuu gaystay sanadkii 2018-kii, xilli uu ku sugnaa xaruntiisa caafimaad oo ku taalla xaafadda Githurai ee magaalada Nairobi.