Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliiska gobolka Banaadir oo soo xiray nin loo haysto inuu tacaddiyo u...

Booliiska gobolka Banaadir oo soo xiray nin loo haysto inuu tacaddiyo u gaystay gabadh dhallinyaro ah

Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaallo ku saabsan tacaddiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, janeraal Sakiye Xuseen oo qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter ku sheegtay in soo qabashada eedeysanaha ay gacan ka gaysteen shacabka oo u soo gudbiyay xogta keentay in la soo xiro.
Eedeysanaha ayaa loo haystaa muuqaal uu barta Tiktok ku faafiyay, muuqaalkaas oo lagu arkayo gabadh dhallinyaro oo la sheegay inuu siiyay daroogo, ka dibna uu tacaddi kula kacay.
Arrintaan ayaa hadal hayn badan dhalisay, iyada oo dad badan oo baraha isticmaala ay ku baaqeen in la soo xiro eedeysanaha oo Muqdisho ku sugan.
Barta Tiktok oo ah aalad ay si wayn u isticmaalaan dhallinyarada ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay noqotay aalad loo isticmaalo in lagu soo bandhigo muqaallada tacaddiyada iyo kuwa anshax xumada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments