Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo u safraya Kuuriyada Koonfureed

Madaxweynaha dalka oo u safraya Kuuriyada Koonfureed

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa galinka dambe ee maanta u safraya wadanka Kuuriyada Koonfureed halkaasi oo uu wada hadal labo geesood ah kula yeelanaya dhigiisa Yoon Suk-Yeol.
Ruto ayaa wadankaasi ku sugnaan doono saddex cisho si uu xoogga u saaro iskaashiga Kenya kala dhexeya Kuuriyada Koonfureed ee dhinaca horumarinta dhaqaalaha , wax soo saarka beeraha, tamarta, kaabayaasha iyo caafimaadka guud.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo xiri doonaa in labada dhinac ay saxiixdaan heshiisyo ganacsi.
Kenya ayaa sidoo kale sare u qaadi doonto wada xaajoodyada la xiriira suuq furan oo ay u iibgeyn karto badeecooyinkeeda si loo xoojiyo ganacsiga.
Dowladaha Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa leh xiriir saaxiibtinnimo oo ku saleysan dan wadaag iyo wax wada qabsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments