Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ukraine oo daadgureyn ka billaabaysa Kherson

Ukraine oo daadgureyn ka billaabaysa Kherson

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa sheegtay in daadgureyn shacab oo aan qasab ahayn laga billaabi doono magaalada Koonfureed ee Kherson.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ugu horreyn halkaasi laga soo qaadi doono waayeellada iyo dadka ay sida gaarka ah u saameeyeen weerarrada Ruushka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine ayaa carrabka ku adkeysay in Xukuumadda Moscow ay burburisay kaabayaasha muhiimka ee Kherson taasoo xaaladda nololeed ee shacabka ka dhigtay mid aad u daran.
Duullaanka militari ee Ruushka ee gudaha Ukraine ka billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkan ayaan ilaa iyo hadda laga gaarin xal waara oo lagu soo afjaraya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments