Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo qorsheeneyso in waddooyinka ay ku xirto kameerada qarsoon ee CCTV

DHAGEYSO:Dowladda oo qorsheeneyso in waddooyinka ay ku xirto kameerada qarsoon ee CCTV

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso inay waddooyinka ay gaawarida adeegsadaan ku rakibto kameerada duubto muuqaaladda qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da, si meesha looga saaro jidgooyinka iyo ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada ee muddo badan waddada taagan.
Tallabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo saxmadda ka dhex jirta waddooyinka qaar ee magaalooyinka waaweyn ee wadanka.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in dhaqangelinta qorshahan ay muddo qaadaneyso.

Dhanka kale wasiirka ayaa digniin culus u diray dhammaan ciidamada booliiska ee ku howlan qaadashada lacagaha laaluushka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ay tallaabooyin adag ka qaadi doonto saraakiisha ku lugta leh falalkaasi foosha xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments