Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Hay'adda Amnesty International oo ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya inuu dhaqangeliyo 10 qodob

Hay’adda Amnesty International oo ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya inuu dhaqangeliyo 10 qodob

Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa ka codsatay madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu xoojiyo tallaabooyinka lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya.
Warbixin ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga hortaggayo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka, islamarkaana looga baahan yahay dowladda inay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah.
Amnesty waxay dowladda ugu baaqday inay dhaqangeliso tallaabooyinkan 10-ka ah:
1. Waa inay difaacdo shacabka ku nool deegaannada ay ka taagan yihiin dagaallada.
2. In isbeddel ay ku sameyso nidaamka garsoorka.
3. Waa in la xaqiijiyo caddaallada iyo magdhawga ku aadan tacadiyada ay gaystaan ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.
4. Waa in la qadariyaa xurriyatul qowlka.
5. Waa in la xaqiiiyo sidii qof kasta uu ku heli lahaa adeegyada caafimaad.
6. Waa in la difaaca barakacayaasha.
7. Waa in la ilaaliyaa xuquuqda carruurta.
8. Waa in la dhowro xuquuqda gabadha iyo haweenka iyo in laga hortaggo kufsiga.
9. Waa in wax laga qabto saameynta isbeddellada cimilada iyo dhibaatooyinka kale.
10. Waa in dowladda ay aas-aastaa islamarkaana ay howlgelisaa guddiga qaran ee xuquuul insaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments