Golaha guud ee qaramada midoobay oo baaq u diray Ruushka

0
300

Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa ansixiyay qaraar dowladda Ruushka loogu baaqaya inay bixiso magdhow ku aaddan waxyeellada ay ka gaysatay gudaha wadanka Ukraine.
Xubnaha golaha ayaa meel mariyay in sidoo kale xukuumadda Moscow lagula xisaabtamo inay ku xadgudubtay xeerarka caalamiga ah ka dib markii ay 24-kii bishii labaad ee sanadkan ku duushay Ukraine.
Waxaa qaraarka codkooda ku taageeray 94 ka mid ah 193-ka xubnood ee golahan.
Hasa ahaate waxaa arrintan ka soo horjeestay 14 dowladood sida Ruushka , Shiinaha iyo Iiraan halka 73 kale oo ay ka mid yihiin Brazil, India iyo Koonfur Afrika ay codeynta ka aamuseen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraarkan uu ahaa mid helay taageeradii ugu hooseysay ee xubnaha marka la eego afar kale oo la xiriiray dagaalka Ruushka iyo Ukraine ee uu soo qaaday golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.