Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Booliska Turkiga oo xiray haweeney looga shakisan yahay qaraxii ka dhacay Istanbul

Booliska Turkiga oo xiray haweeney looga shakisan yahay qaraxii ka dhacay Istanbul

Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay inay xireen 46 qof oo lala xiriirinaya qaraxii ay dadka ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Istanbul.
Waxaa dadkaasi la xiray ka mid ah haweeney dhalasha ahaan ka soo jeeda wadanka Syria oo looga shakisan yahay inay ka dambeysay qaraxaasi.
Booliska ayaa magaca haweeneydan ku sheegeen Axlaam Bashiir oo la sheegay inay soo tababareen maleeshiyaadka kurdiyiinta PKK ee laga mamnuucay Turkiga.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Qaraxa ayaa ka dhacay mid ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee laga dukaameysto ee ku yaalla magaalada Istanbul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 8 qof halka in ka badan 81 ruux ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments