Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda dhexe oo 108 dugsi hoose dhexe ee ku yaalla Tana River...

Dowladda dhexe oo 108 dugsi hoose dhexe ee ku yaalla Tana River gaarsiisay raashin

Dowladda dhexe ayaa 108 dugsi hoose dhexe oo dowli ah kuwaasoo ku yaalla ismaamulka Tana River gaarsiisay raashin loogu talagalay barnaamijka quudinta dugsiyada iyadoo ay jirto abaar daran.
Ardayda gaar ahaan kuwa waalidiintooda ee xoola dhaqaatada ah ayaa billaabay inay waalidkood ula haajiraan si ay biyo iyo baad ugu raadiyaan xoolahooda.
Agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Tana River Khaliif Xasan ayaa sheegay in wasaaradda tacliinta ay gaarsiisay dugsiyada hoose dhexe ee ku yaalla dowlad deegaankaasi raashin isugu jiro bariis, digir, saliid, iyo cusbo.
Dugsiyada hoose dhexe ee ku yaalla deegaannada hoose ee ismaamulka Tana River ayaa la gaarsiiyay 1,909 jawaan oo bariis ah, 378 digir ah, 134 kartoon oo saliid ah iyo 54 kartoon oo cusbo ah.
Mr. Khaliif ayaa xusay in cuntadan ardayda la siin doono ka hor inta aan dugsiyada la xirin toddobaadyada soo socdo.
Waxaa uu intaasi ku daray in wali iskuullada ay wajahayaan caqabado dhanka biyaha ah balse ay rajeynayaan in roobabka yar ay sii socon doonaan si xaaladda ay u soo hagaagto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments