Madaxweynihii hore ee dalka oo ku sugan DRC

0
297

Madaxweynihii hore ee dalkani Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku sugan magaalada Kinshasa ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa uu wada hadal la yeelanayaa hoggaamiyaha wadankaasi Felix Tshisekedi oo ay diiradda saarayaan xal u helidda amni darrada ka taagan bariga wadankaasi.
Jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Mr. Kenyatta uu laga billaabo shalay labo cisho wada hadallo heer-sare ah la yeelan doono madaxweynaha DRC.
Bayaanka waxaa ku cad in geeddisocodka nabadeed la sii ballaariyay si looga qayb geliyo hoggaamiyaasha maxalliga ah ee bulshooyinka Congo iyo dhinacyada kale si xal waara loogu helo amni darrada.
Kulankan ayaa imaanaya toddobaad un ka dib markii madaxda waddamada xubnaha ka ah EAC ay ka shireen xaaladda bariga Congo.
Dhammaan toddobada xubnood ee jaaliyadda bariga Afrika ayaa wacad ku maray inay si buuxda uga qayb qaataan oo ay taageeraan geeddisocodka nabadeed ee dalkaasi.
Horraantii bishan ayay ahayd markii Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye ay ka wada hadleen xasilinta gobolka bari ee DRC.