Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Turkiga oo cambaareeyay qaraxii 6 qof ku dhinteen ee ka dhacay...

Madaxweynaha Turkiga oo cambaareeyay qaraxii 6 qof ku dhinteen ee ka dhacay Istanbul

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Istanbul.
Weerarkan ayuu ku tilmaamay mid waxashnimo ah.
Waxaa uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen 6 qof halka 53 ruux kale ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada lstanbul.
Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhacay wax yar ka dib 4-tii galabnimo ee maanta, kaas oo laga soo tabiyay waddada caanka ah ee Istiklal oo ay inta badan dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka iskugu yimaadaan.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa muujinayay holac ka kacay goobta.
Jugta qaraxa ayaa sidoo kale laga maqlay meelo fog fog.
Waddada Istiklal ayaa waxaa hore u saameeyay weerarro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsaday Istanbul sanadihii 2015 iyo 2016-kii, oo ay sheegteen kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments