Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Xaalad cabsi ah oo maanta ka taagan deegaannada Somaliland

Xaalad cabsi ah oo maanta ka taagan deegaannada Somaliland

Qalalaasooyin Siyaasadeed iyo mid amni ayaa laga cabsi qabaa inay Maanta ka dhacaan deegaannada Somaliland, xilli Maanta ay ku egtahay muddo xileedka Madaxweynaha jamhuuriyaddaasi Muuse Biixi Cabdi.
Guud ahaan Magaalooyinka iyo deegaannada Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa ay dhoobtay Ciidamo farabadan, kuwaas oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan baaritaanno ku sameynaya, halka meelaha qaar dadka ka celinayaan.
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani oo horay u sheegay in aysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameysato Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta laga sugaya in ay go’aan qaataan maadaama muddo xileedkii Madaxweynaha Somaliland uu dhamaaday welina uusan doorasho qaban.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaba in ka hor doorashooyinka Madaxtooyada ama Madaxwenaha la qabto doorashada Ururrada Siyaasadda, balse Xisbiyada mucaaradka ayaa taasi ka soo horjeesteen maadaama meesha ay ka baxayaan.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa horay magaalada Hargeysa iyo deegaannada kale ee jamhuuriyadaasi waxaa ay dhigeen bannaanbaxyo rabashado watay, kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahaa.
Xaalad kacsanaan ah ayaa Maanta laga dareemayaa Magaalooyinka Somaliland, waxaana Bulshada ay ka cabsi qabaan inay isku dhacyo dhexmaraan Ciidamada Somaliland ay waddooyinka dhoobtay iyo Xisbiyada mucaaradka oo ka soo horjeeda in uu muddo kordhin sameysto Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments