Kenya Kwanza oo soo xulatay xubnaha ku matalaya EALA

0
267

Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa soo xulay 15 qof oo uu doonaya inay ka mid noqdaan shakhsiyaadka ku biiraya baarlamaanka bariga Afrika ee (EALA) 15.
Waxaa dadkan ka mid ah senatarkii hore ee ismaamulka Mombasa Xasan Cumar ,David Sankok oo horay aqalka sare si magacaabid ah ugu biiray, xildhibaankii hore ee Balambala Cabdiqaadir Cumar Aadan , wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Nandi Zipporah Kering, Falxada Deeqoow iyo siyaasiyiin kale.
Garabka siyaasadeed ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka William Ruto ayaa loo qoondeeyay 5 xubnood halka Azimio ay haystaan afar maadaama siyaasiyiinta baarlamaanka EALA ku matalaya Kenya ay tiradoodu tahay 9.
Dhanka kale Azimio waxay soo xusheen 6 qof oo ay ka mid yihiin gabadha madaxa ODM ,Winnie Odinga, ganacsade Suleiman Shahbal ,Timothy Bosire.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsiyaadka daneynaya ka mid noqoshada EALA ay sidoo kale ka mid yihiin senatarkii hore ee Baringo Gideon Moi iyo wakiilkii hore ee dumarka Wajeer Faadumo Geedi.
17-ka bishan ayuu baarlamaanka dalka u codeyn doonaa shakhsiyaadkan si loo ansixiyo sagaal ka mid ah oo ku biiri doono golaha xeer dejinta ee bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here