Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay kaaliyaha sare ee maxkamadda cadaaladda adduunka

0
835

Ergeda Soomaaliya uga qayb galeysa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ICJ ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay kaaliyaha sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier.
Kulankan ayaa ku saleysnaa dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigdda gar-naqsiga Soomaaliya ee ku aaddan dacwadda badda ee kala dhexeysa Kenya.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay kulankii ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garoowday soo bandhigidda dacwaddeeda oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan Maarso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaq-ahaanshaha gal dacwadeedkeeda iyo qareennada sharciyeed ee ku matalaya dacwaddan garwadeenka ay ka tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee soomaaliya.