Golaha ammaanka oo shir deg-deg ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya

0
864

Sida uu xaqiijiyay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya .
James Swan, ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa la filayaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada qaramada Midoobay uu u gudbiyo shirka.
Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada-ogol yihiin madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo saxiixay heshiiskii 17-kii bishii sagalaad ee sanadkii hore.
Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya qaabka Muuqaal Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysanayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada doorashooyinka si xog-uruurintooda gaba-gabada kulanka loogu soo daro war- saxaafadeedka ku saabsan natiijada ka soo baxdo kulankaas.