Madaxweynaha dalka oo ka hadlay arrimaha ammaanka

0
361

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka hadlay amniga wadanka waxaa uuna sheegay in horumarka uu ku xiran yahay xasilooni buuxda oo la helo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka talada haya uunan marnaba u dulqaadanayn kooxaha hubeysan ee gaysta falal dambiyeedyada.
William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay mas’uuliyad ka saaran tahay wax ka qabashada amni darrada ka taagan bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in codsi uga yimid dowladda dalkaasi oo ah in halkaasi la geeyo ciidamo goboleed uu yahay mid degdeg ah oo aan la fududeysan karin.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu calanka dalka ku wareejinayay saraakiisha difaaca ee KDF ee ku biiraya howlgalka nabadsugidda ee Congo.

Munaasabaddan ayaa ka dhacday deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in ciidamada gaashaandhigga oo howlgallo badan oo ay fuliyeen sida habboon uga soo baxay ay sumcad ku kasbadeen.
Waxaa uu saraakiisha la qorsheynaya inay ka mid noqdaan howlgalka nabadsugidda ee Congo uu kula dardaarmay inay muujiyaan habdhaqan wanaagsan oo ay ka mid tahay badbaadinta shacabka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inuu si dhow ula socday tababarro diyaar garow ah oo ay ciidamada qaateen sidaas awgeedna uu qabo kalsooni ah inay waajibaadkooda u gudan doonaan sida laga doonayo.