Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa inay saaka gantaal adeegsatay oo uu markii ugu horreeyay ku dhacay meel u dhow biyaha Kuuriyada Koonfureed.
Tani ayaa keentay in dowladda Kuuriyada Koonfureed ay uga falceliso gantaallo kale ka dib markii shacabka halkaasi ku nool lagu amray inay guuraan.
Gantaalka xukuumadda Pyongyang ayay wararku sheegayaan inuu ka mid yahay ugu yaraan 10 xabbo oo la ganay intii uu waaga baryay.
Waxaa ka war helay militariga Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada ilaalada badda ee dalka Japan.
Waxaa uu ku dhacay meel wax ka yar 60 kiilomitir u jirta Xeebaha Koonfureed.
Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Pyongyang ay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka dalbatay inay joojiyaan dhoolotus militari oo baaxad leh oo ay fulinayaan.
Waxay sheegtay in tallaabooyinkaasi aan laga fiirsan ayna ku tilmaantay daandaansi aan marnaba loo dulqaadan karin.