DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday dhaawacyadii qaraxyadii Muqdisho

0
288

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii qaraxyada ee ka dhacay isgoyska Soobe ee waddada KM5 ee magaalada Muqdisho.
Waxaa uu Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah dadka ay dhaawacyadu soo gaareen, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab .