Magaalada Muqdisho, ayaa dadweyne fara badan waxay u galeen safaf isbitaallada, si ay dhiig u bixiyaan.
Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii shacabka laga dalbaday inay dhiig bixiyaan, maadaama isbitaallada aynan heynin dhiig ay ku shubaan dhaawaca faraha badan ee la soo gaarsiiyay xarumahooda caafimaad.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka codsadey dadweynaha inay ku deeqaan dhiig, si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee degdegga ah u baahan
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale iyana ku deeqay dhiig.
Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ay dadweynaha dhiigooda u yaboohaya dadka dhaawacyada qabo ka dalbanayaan in ay bixiyaan lacag dhan 29 doolar si ay dhigooda u shubaan.




