DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in 100 qof ay ku dhinteen qaraxyadii shalay ee Muqdisho

0
323

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xilli dambe gaaray isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ee shalay ka dhacay Muqdisho.
Waxaa uu ku sugnaa burburka dhismaha masjid ku dumay qaraxyadan, ayaa tilmaamay in weerarkan ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayay masaajidkaasi, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee la diiwaangeliyey.
Waxaa uu sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso 100 qof halka dhaawacyadu ay ku dhow yihiin 300 oo ruux.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in tirada dhimashada iyo dhaawacyada ay intaasi ka sii badan karto.

Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay isbitaallada tagaan oo ay dhiig u shubaan dadkii dhaawacyada soo gareen.

Dhanka kale saxiibbada caalamka ayuu ugu baaay in dhakhaatiir u soo soo diraan Soomaaliya, madaama dhaawacyada oo aad u fara badan aan dibadda loo qaadi karin

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.