Qaraxyo xooggan oo lala beegsaday xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya

0
370

Weerar ku billowday qarax ayaa lagu soo warramayaa in lagu galay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Qarax labaad oo aad u xooggan ayaa laga maqlay isla goobta Qaraxii hore ka dhacay.
Rasaas ayaa la soo warinaya in ay ka dhaceyso aaggaasi.
Khasaaraha ilaa iyo haatan ma cadda.