Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Boqorka Malaysia oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

Boqorka Malaysia oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

Waxaa Malaysia maanta looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa corona .
Amarkan waxaa soo saaray boqor Al-Sultan Cabdullah ka dib codsi uga yimid ra’iisul wasaare Muxiyiddiin Yaassiin.
Tani ayaa sii xoojinaysa awoodda ra’iisul wasaaraha ee ah fulinta amarrada dowladda iyadoo uu mucaaradnimo wajahaya.
Ra’iisul wasaaraha Malaysia ayaa sheegay in baarlamaanka muddo kooban la kala dirayo iyadoo inta xaaladdan degdegga ah lagu guda jiro aynan wadankaas doorasho ka dhici doonin.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in xaaladdan looga dhawaaqay Malaysia ay sii jiri karto ilaa iyo koowda bisha sideedaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments