Shirka madasha wadatashiga qaranka oo ka furmay magaalada Muqdisho

0
223

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay Shirka Madasha WadaTashiga Qaranka, iyadoo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka ayaa waxaa qayb ka ah ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamba Cabdi Barre, maamulka gobolka Banaadir, iyo maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya.
Shirka Madasha WadaTashiga Qaranka, ayaa marar kala duwan waxaa isugu yimid dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Madashan ayaa dhisan in muddo ah, iyadoo lagu gorfeeyo arrimo kala duwan.