Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo nin oo ka tirsan ururka Daacish.
Aadan Cali Maxamad Maxamuud iyo Maxamad Cali Maxamad Faarax, ayaa dhowr bilood ka hor lagu riday xukunno dil ah ka dib markii lagu helay inay falal dil ah ka gaysteen magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.
Labadan nin ayaa ka tirsanaa waaxda amniyaadka ee Daacish.
Mid ka mid ah ayaa 2019-kii gacanta lagu dhigay isagoo doonayay inuu ciidamada iska caabiyo.
Sidoo kale 2-da nin waxay ka soo dagaalameen buuraha gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhigyo qarsoodi ah ku leeyihiin ururka Daacish.
Janeraal Cabdullaahi Buule Kamey xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaliya ayaa xukunka u akhriyay sidatan.
Waa xukunkii labaad oo dil ah oo lagu fuliyo 72 saac gudaheed rag ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, arrintan ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan isbeddel lagu sameeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida.
S/Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa dib loogu magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ka dib soo jeedin ka timid wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.