Maxkamadda oo berri go’aaminaysa dacwad ka dhan ah 4 sarkaal oo ka tirsanaa SSU

0
342

Maxkamadda Kahawa ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa inay berri ay go’aan ka soo saarto codsi ay gudbisay dowladda oo ka dhan ah saraakiil ka tirsanaa qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista wadanka ee SSU-da oo la kala diray.
Shalay ayay ahayd markii ay maxkamadda ka soo hormuuqdeen 4 sarkaal oo dhawaan la xiray.
Waxaa lala xiriiriyay afduub loo gaystay labo qof oo u dhashay wadanka India iyo darawalkooda.
Dowladda gaar ahaan waaxda dacwad oogidda ayaa doonaysa in maxkamadda ay u oggolaato in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada.
Qaybta SSU ee uu madaxweynaha dalka William Ruto amar ku bixiyay in la kala diro ayaa lagu eedeyay fulinta afduubka iyo dilalka sharci darrada ah.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka xusay in ciidamadan loo adeegsaday howlgalo siyaasadeysan oo mararka qaar dhimasho sababay sidaas awgeedna loo baahan yahay in la baaro.
Diana Mochache oo ah garsoore sare oo ka howlgasho maxkamadda Kahawa Law Courts ayaa sheegtay inay go’aan soo saari doonto berri.
Saddexda qof ee la waayay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamad Said Sami, Zulfiqar Axmed iyo Nicodemus Mwania.
Dadkan ayaa laga kaxeystay meel u dhow maqaaxida Ole Sereni ee waddada wayn ee Nairobi Expressway iyadoo rag wajiga soo xirtay ay baabuur geliyeen.