DHAGEYSO:Duqii Bosaaso oo ka hadlay xilka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland

0
664

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ahaa duqii Boosaaso ee uu dhawaan xilka ka qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa aqbalay xilka qaadista.
Waxaa uu sidoo kale warbaahinta u sheegay in uu iska casilay xilal kale oo uu bulshada ugu adeegayay

Mas’uulkan hore ayaa dhanka kale soo dhaweeyay hanti-dhowr loo saaray in uu baaritaano ku sameeyo maamulka Boosaaso isagoo hoosta ka xarriiqay in uu ku kalsoon yahay natiijada ka soo bixi doonto baaritaannada

9-kii bishan ayay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan shaqo ka joojin lagu sameeyay Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa u dhignaa sidatan
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imaanaya shacabka degmadda Boosaaso
Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
  2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
  3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta
    Xeerkan oo uu saxiixay madaxweynaha Puntland ayaa dhaqan galay.