Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii guddoomiyihii ganacsatada Islii

0
628

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii maalmo ka hor ku timid Alle ha u naxariistee guddoomiyihii guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji Xaaji Ibraahim Xuseen oo horay u soo noqday macallin iyo guddoomiyaha guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Mr. Kenyatta ayaa farriinta tacsida ku sheegay in Ibraahim Xuseen uu ahaa muwaadin u soo shaqeeyay dalka oo ayna ka go’aneyd wanaajinta arrimaha waxbarashada.
Sida ku cad qoraal ka soo baxay State House, madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya uu ka baxay mas’uul muddo dheer soo shaqeeyay oo heer sare ka gaaray howlaha tacliinta.
Waxaa uu ku celceliyay in Alle ha u naxariistee Xaaji Ibraahim Xuseen ay Kenyaanka ku xusuusan doonaan doorkii uu ku lahaa wax ka beddelka waxbarashada wadanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in intii uu ahaa guddoomiyaha TSC uu dardargeliyay isbeddelo kala duwan oo xoojiyay maamulka iyo daryeelka macallimiinta dalka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Xaaji Ibraahim uu sidoo kale ahaa waxgarad aad looga ixtiraamo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda ,kaalin weyna ka qaatay arrimaha nabadgalyada ee bulshooyinka ku nool waqooyiga Kenya.