DHAGEYSO:Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigayo Saddex berri

0
1500

Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed ka dib geeridii ku timid madaxweynihii hore ee soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.
Villa Soomaaliya waxay sheegtay in calanka jamhuuriyada hoos loo dhigay Saddex berri.
Madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay in Cali Mahdi uu kaalin weyn ka soo qaatay dowladnimada wadankaas sidaas awgeedna guddi loo saarayo aas qaran oo loo sameyn doono

Waxaa tacsi tani la mid ah diray madax kala duwan sida guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamad Cumar Filish, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre , ra’iisul wasaaraha hadda xilka haya Maxamad Xuseen Rooble iyo madax kale.