DHAGEYSO:Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo muranka doorashada xal u raadinaya

0
510

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa hadda wuxuu ku howlan yahay Xal u Raadinta Muranka Hareeyay Geedi Socodka Doorashooyinka Soomaaliya taasoo in muddo ah soo jiitamaysay.
Madxweynaha maamulka Galmudug ayaa Horay u sameeyay iskudaygan oo kale walow uusan ku guulaysan waxayna tahay arrinta ugu weyn ee doorashooyinka Soomaaliya ku hor-gudban kala aragti duwanaanshaha Madaxda dowladda dhexe,Maamulada Puntland iyp jubaland iyo Midowga Musharaxiinta.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay hadda dadaal ku bixin doono sidii uu nabad doon uga noqon lahaa arrinta doorashada ee lagu kala aragtida duwan yahay wuxuuna Tilmaamay inuu ku dadaalayo isku soo dhaweynta dhinacyada kala aragtida duwan si doorashooyinka loo gudaha galo.
Ilaa Markii Xukuumadda Soomaaliya ay Maalmo ka hor ku dhawaaqday inuu dalka Doorasho Galayo ayaa waxaa walaac Muujinayay Midowga Musharaxiinta iyo Mucaaradka oo ayagu markii hore diidanaa guddigii doorashooyinka ee dowladda Soomaaliya ay soo magacowday.
Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor wuxuu ku eedeeyay inuusan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Taagan ee doorashooyinka la Xiriira sidaas darteedna uusan dhex dhexaadin Karin arrinta doorashada ee lagu kala aragtida duwan yahay, beddelkeedana uu hadda qaatay madaxweyne Lafta Gareen isagana laga dhursugayo.

Soomaaliya waxay Xiligaan u madalsan tahay doorashooyin haddana ma jirto wax si toos ah la isugu raacay ama qodobo doorasho oo dhamaan dhinacyadu isla meel dhigeen taasoo abuurtay walaaca la xiriira inay doorashadu ku dhacdo qaab hufan oo dadka Soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin.
Qodobada ugu weyn ee ilaa iyo hadda ay isku hayaan dhinacyadaan ayaa waxaa ka mid ah arrinta gobolka Gedo,doorashada Xildhibaanada ka imaanaya gobolada Waqooyi iyo guddiga doorashooyinka ee dowladdu magacowday oo midowga Musharaxiintu ay ku doodayaan inay yihiin Xubno aan la aamini Karin oo hay’ado dowlada ka mid ah laga soo Xulay sida ay hadlkooda u dhigeen walow aysan soo bandhigin cadaymo arrintaan ay ku xaqiijinayaan.
Xubnaha Mucaaradka ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ku eedeeyeen inay doonayso inay qabato doorasho hal dhinac ah balse Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo bilooyinkii la soo dhaafay ku howlanaa Xallinta Khilaafka dhinacyadaan ayaa sheegay inaysan jirin Meel lagu Qaatay Go’aan sheegaya in doorasho hal dhinac ah ay Soomaaliya ka dhacdo wuxuuna sidoo kale ka hadlay eedaymaha ay u soo jeediyeen Xubnaha mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here