Madaxweyne Cali Mahdi Maxamad, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii markuu ahaa 1938.
Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar u aaday waxbarasho.
Marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo Baarlamaankii Soomaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee xubin ka noqda golaha Baarlamaanka Soomaliyeed.
Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud.
Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.
Madaxweyne Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waa weyn ee dalka Soomaaliya.
Sanadahii siddeetamaadkii Marxuum Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre.
Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, sanadkii 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, xafiiska intii uu joogay waxay aheyd Jannaayo, 1991 ilaa Juun, 1995.
Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.
Madaxweyne Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenay.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono Alle u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi oo galabta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladatan Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Marxuum Cali Mahdi ayaa ku dhintay da’ada 82-sano.